DALXIISKA GAABAN IYO SAFARRADA DUGSIGA

Antrag herunterladen
Sprache auswählen
Maxaa la bixiyaa?
– Safarada iskuulka halka maalin ah
– Safarada fasalka
– Safarada maalmaha badan iyo dalxiisyada gaaban ee carruurta xannaanada
Yaa la siinayaa?
Carruurta xannaanaada, ardeeyda ka yar 25 sano jir ee dhigta
dugsi guud ama mid farsamo oo aan helin kaalmada waxbarashada.
Meeqo ayaa la siinayaa?
– Kharashyada saxda ah
(iyada oo qayb ka ah qodobada waxbarashada sharciga ah),
– Inta badan wax walbo
Qaabkee ayay u shaqeysaa?
Waxaa jira farqi u dhaxeeya iyada oo ku saleysan hadii aad rabtid inaan aado safar iskuul hal maalin ah ama safar fasaleed:

A Dalxiisyada gaaban ee halka maali ah
Waxaa jiri doona kharashyada safarka iyo hooy siinta hadii aad rabtid inaad ka qaybgasho safarka fasalka. Kharashyada waa in
la sii cadeeyo waqti hore kahor billawga safarka.
Pro Arbeit ayaa sida caadiga ah dabari karta kharashyada safarka si dhameeystiran.

Midan awgeed, qaado foomka AUSFLÜGE & KLASSENFAHRTEN (DALXIISYADA GAABAN & SAFARADA FASALKA).
Waalidiintaada ha buuxiyaan bogga hore, raaci warqada waalidka oo wax walbo u dir Pro Arbeit.
Pro Arbeit ayaa hubineysa wax walbo. Waalidkaada ayaa loo soo diriyaa ogeeysiis. Lacagta kharashyada waxaa lagu xawili doonaa akoontiga bangiga ee waalidkaaga.

B Safarada maalmaha badan/safarka fasalka
Waxaa jiri doona kharashyada safarka iyo hooy siinta hadii aad rabtid inaad ka qaybgasho safarka fasalka. Kharashyada waa in la sii cadeeyo waqti hore kahor billawga safarka.

Pro Arbeit ayaa sida caadiga ah dabari karta kharashyada safarka si dhameeystiran.

Midan awgeed, qaado foomka AUSFLÜGE & KLASSENFAHRTEN (DALXIISYADA GAABAN & SAFARADA FASALKA). Waalidiintaada ha buuxiyaan bogga hore.

Iskuulka ama xannaanada carruurta waa inay buuxiyaan bogga gadaal danbe.

Foomka oo dhameystiran waa in loo diraa Pro Arbeit. Waxay hubin doonaan wax walbo.

Haduu wax walbo hagaagsan yahay, Pro Arbeit ayaa ku diri doonta dhamaan kharashyada safarka akoontiga iskuulka ama fasalka ee la gudbiyay.

Maxaan la bxineeynin?
– Lacagta jaabka ee kharashyada dheeraadka ah inta lagu jiro fasalka, tusaale ahaan, jalaatada iyo cuntada fudud ee meelaha kala duwan laga gato.
– Alaabaha aasaasiga ee caadiga ah, tusaale ahaan baaga safarka, waxyaabaha lagu dabaasho, dacasyo,
xitaa hadii ay ku jiraan liiska alaabta la qaadanayo.
Ha ilaawin:
– Warqada waalidka ee uu bixiyo iskuulka/xannaanada carruurta
– Xaqiijinta iskuulka/xannaanada carruurta ee bogga danbe
ku qoran ee loogu talagalay safarada maalmaha badan
– Ogeeysiiska Wohngeldstelle (xafi iska dheefaha guryaha)
– Ogeeysiiska Familienkasse (xafi iska dheefaha qoyska)
(Kinderzuschlag)