KA QAYBGALKA XAFLADAHA BULSHADA IYO DHAQANKA

Antrag herunterladen
Sprache auswählen
Waa maxay tani?

Taageeradan waxay ka caawisaa carruurta iyo dadka da’da yar inay si wadajir ah firfircooni ugu lahaadaan saaxiibada naadiga cayaaraha, ay bartaan sida loo isticmaalo qalab ama ay aadaan xerada fasaxa.

Waxaad heli doontaa deeq bil walbo oo aad u isticmaasho si ku saleysan baahiyahaada, sida

– hawl laga qabanayo naadi ciyaaro
– iskuulka muusikada
– ka qaybgalka
· xerada fasaxa,
· barnaamij fasaxeed,
· dalxiis matxaf oo la hago ama kooras rinjiyeyn,
· mashruuc masrax
·hawl kooxeed kale
Yaa la siinayaa?
Carruurta iyo dadka da’da yar ee ka yar 18 jir
Meeqo ayaa la siinayaa?
– € 15 € bil walba
(hadii ay tahay inaad bixiso qaytaada bil walba)
ama ugu badnaan
– € 180 sanadkiiba
(hadii ay tahay inaad u bixiso lacag halmar ah hawshaada, tusaale qayb bixintaada sanadlaha ah ama kharashyada xerada fasaxa).
Qaabkee ayay u shaqeysaa?

Waxba kuma kala duwana hadii ay tahay naadi cayaaro, barashada ciyaarista kabanka, xero fasax ama hawl kooxeed kale: ku lug lahoow oo la damaashaad saaxiibadaada.

Pro Arbeit ha ogaadaan markaad go’aansato waxa aad jeceshahay inaad ka qaybqaadato.

Tani awgeed, soo qaado foomka SOZIALE & KULTURELLE TEILHABE (ka qaybgalka bulshada iyo dhaqanka). Waalidiintaada ha buuxiyaan bogga hore.

Naadiga, iskuulka muusikada ama iskudabridaha waa inay buuxiyaan bogga danbe si Pro Arbeit u ogaato goorta iyo inta laga rabo waalidiintaada inay bixiyaan.
Foomka oo dhameystiran kadib waa in loo diraa Pro Arbeit. Waalidiintaada ayaa ogeeysiis loo soo siri doonaa. Deeqda ayaa loo xawili doonaa waalidiintaada.

Waxaa sii dheer:
Xitaa midka inoogu yar ayaa heli kara deeqda. Tusaale, hadii uu rabo inuu kala qaybgalo ciyaar kooxeed waalidkiisa ama uu galo koorso dabaal barasho ah.

Ha ilaawin:
– Ogeeysiiska ka socda Wohngeldstelle (xafiiska dheefaha guryaha)
– Ogeeysiiska ka socda Familienkasse (xafiiska dheefaha qoyska) (Kinderzuschlag)
– Shahaadada xubinnimada, xaqiijinta isdiiwaangelinta ama rasiid