QADO

Antrag herunterladen
Sprache auswählen
Maxaa la bixiyaa?
Qadada wadajirka ah
– ee iskuulka xannaanada/xannaanada carruurta
– ee iskuulka
– ee xarunta xannaanada dugsiga kadib ee degmada, haddii iskuulku si guud mas’uul looga yahay (oo heshiis iskaashi uu jiro).
Yaa la siinayaa?
Carruurta dhigata iskuulka xannaanada/xannaanada carruurta iyo ardeyda ka yar 25 sano jir ee dhigta iskuul guud ama mid farsamo ee aan helin kaalamada waxbarashada.
Meeqo ayaa la siinayaa?
Kharashyada qaadad oo dhameystiran.
Qaabkee ayay u shaqeysaa?
Hadii aad rabtaan inaad ku wada cuntaan qado si wadajir ah kuwa kale makhaayad, iskuulka ama iskuulka xannaanada Pro Arbeit ayaa idinka dabari karta dhamaan kharashyada si dhameystiran.
Tani awgeed, qaado foomka MITTAGESSEN (qado). Waalidiintaada ha buuxiyaan bogga hore. Iskuulka ama iskuulka xannaanada haku buuxiyo qiimaha, iwm bogga danbe.
Foomka oo dhameystiran waa in kadib loo diraa Pro Arbeit. Waxay hubin doonaan wax walbo. Waalidiintaa ayaa ogeeysiis loo soo diri donaa. Kharashyada waxaa lagu diri doonaa bixiyaha (iskuulka, cunta bixiyaha, naadiga, xannaanada carruurta, iwm).
Abrechnung
Ha ilaawin:
– Ogeeysiiska ka socda Wohngeldstelle (xafiiska dheefaha guryaha)
– Ogeeysiiska ka socda Familienkasse (xafiiska dheefaha qoyska) (Kinderzuschlag)