TAAGEERADA BARASHADA

Antrag herunterladen
Sprache auswählen
Buundooyin hoose? Iyo haddadan?
Mararka qaar ardeyda waxaa ku adkaato inay fahmaan casharada maadada. Xaaladan, buundada shaqadooda fasalka ama warbixinada iskuulka wey xun yihiin. Waxaa laga yaabaa inaad midan si wacan u taqaano. Bildungs- und Teilhabepaket waxay ku siineysaa taageero si kor loogu qaado buundooyinkaaga.
Yaa codsan kara?
Ardeyda da’doodu ka yartahay 25 jir,
– ee dhigta iskuulka guud ama mid farsamo oo aan helin kaalmo waxbarasho iyo
– kuwa leh buundooyinka hoose.
Ilee intee ayaa wax la bari karaa?
Wax barida marka hore kaliya waxaa la oggalyahay ilaa iyo warbixinta iskuulka ee xigta. Kadib waa inaad soo gudbisaa warbixintaada. Hadii aad u baahan tahay wax barid dheeraad ah, waa inaad codsi kale u dirsataa Pro Arbeit.
Ilaa iyo meeqo cashir oo waxbarid ah ayaa suuragal ah halki usbuuc?
Pro Arbeit ayaa kaa bixin karto inaad ka qaadato cashiro waxbarid laba maado laba saac usbuuc walba.
Meeqo ayaa la siinayaa?
Pro Arbeit ayaa si dhemystiran kaaga bixin karta khrashyada.
Qaabkee ayay u shaqeysaa?

Hadii aad u baahan tahay waxbarid, waxaad codsi u dirsan kartaa Pro Arbeit si kharashyada dhamaan lagaaga dabaro.

Tani awgeed, soo qaado foomka LERNFÖRDERUNG (taageerada waxbarashada) Waalidkaaga ha buuxiyaan bogga hore hana saxiixaan.

Bogga gadaal danbe waa inuu buuxiyaa iskuulka. Waxaa muhiim ah inay si cad u qeexdo sababta aad ugu baahan tahay cashiro waxbarid oo iskuulka ka baxsan. Macalimiintaada ayaa si wacan aqoon kuugu leh, taas oo ah sababta ayaga kaliya ay kugula talin karaan inaad qaadato cashiro dheeraad ah.

Kadib waxaad siineysaa foomka baraha ama wakaalada mac’hadka aad jecshahay inaad tagto. Faahfaahintooda sidookale waa muhiim waana inay ku qornaataa bogga danbe ee foomka. Hadii aad go’aansato inaad ka qaadato casharo mac’had gaar ah (tusaale ahaan ardey xisaabta ku dheereeya), foomka SELBSTAUSKUNFT (is qiimeeynta) waa in sidookale la buuxiyo.

Foomka la dhameystiray waa in loo diraa Pro Arbeit. Waxay hubin doonaan wax walbo. Waxaa laga yaabaa in su’aalo laga weeydiiyo codsiga iskuulka. Hadey sidaas tahay, kuwa ka shaqeenaya codsigaada ayaa la xiriiri doona waalidiintaada ama iskuulkaada. Hadii wax walbo ay hagaagsan yihiin, waalidiintaada ayaa ogeeysiis loo diri doonaa waxbaridaadana way billaaban kartaa. Pro Arbeit waxay toos ugu direeysaa kharashyadaada waxbarida barahaada ama wakaalada.

Maxaa kale oo muhiim ah?
Waa inaad marka hore tagto cashirada taageerada iyo adeegyada kale barashada bilaashka ah ee iskuulkaada uu bixiyo. Pro Arbeit waxay kaliya kaa bixin kartaa waxbarida ka baxsan manhajka hadii aysan jirin ama ay ka jiraan fursado aad u yar iskuulkaada.
Selbstauskunft
Ha ilaawin:
– Warbixinta natiijooyinka ee iskuulka
– Ogeeysiiska ka socda Wohngeldstelle (xafiiska dheefaha guryaha)
– Ogeeysiiska ka socda Familienkasse (xafiiska dheegaha qoyska) (Kinderzuschlag)
– Foomka is qiimeynta ee ka socda baraha mac’hadka gaarka ah