– ee dhigta iskuulka guud ama mid farsamo oo aan helin kaalmo waxbarasho iyo
– kuwa leh buundooyinka hoose.
Dhanka dambe ee bogga waa in uu buuxiyaa dugsiga. Waa muhiim inay si sax ah u sheegto sababta aad ugu baahan tahay waxbarasho dheeraad ah oo ka baxsan dugsiga. Macalimiintaadiina way kuu yaqaannaan si ka fiican tahay qof kale, markaa waa kuwa keliya ee kuu talin kara casharada gaarka ah.
Kadib waxaad dooranaysaa macalin. Waxaad foomka LERNFÖRDERUNG siiso macalinka gaarka ah ama machadka aad jeclaan lahayd inaad tagto. Faahfaahintoodu sidoo kale waa muhiim waana inay ku yaalaan dhabarka foomka. Fadlan hubi in macalinkaan mar horeba halkan ku qoran yahay online. Haddi aanay taasi wali dhicin, la socodsii bixiyaha tababarka inay u baahan yihiin in la diwaan galiyo si kharashaadka ay u daboosho Bildung und Teilhabe.
U dir foomka LERNFÖRDERUNG oo dhammaystiran Bildung und Teilhabe. Wax walba halkaas ayaa lagu hubin doonaa. Waxaa laga yaabaa inay weli jiraan su’aalo ku saabsan codsiga. Markaas waaxda wax ka baaraandegidda waxay la xiriireysaa waalidiintaada ama dugsiga. Haddii ay wax walba si hagaagsan yihiin waxaa la siinayaa ogeysiiska waalidiintaada, markaasna waxaa lagu bilaabi karaa macallintaada gaarka ah. Si joogto ah u tag casharkaaga gaarka ah oo ka samee qoraal ku saabsan goorta iyo maaddooyinka aad halkaas u tagtay. Bildung und Teilhabe ayaa kharashka casharka si toos ah ugu wareejin doona macalinka la ansixiyay ama machadka.
– Warbixinta natiijooyinka ee iskuulka
– Ogeeysiiska ka socda Wohngeldstelle (xafiiska dheefaha guryaha)
– Ogeeysiiska ka socda Familienkasse (xafiiska dheegaha qoyska) (Kinderzuschlag)