SAADKA DUGSIGA

Antrag herunterladen
Sprache auswählen
Waa maxay tani?
Laba goor sanadki waxaa jiri doontaa deeq lagu iibsanayo alaabada iskuulka, sida buugaga, qalimada, buugaga shaqada ardeyga, xisaabiyayaasha ama lagu bixinayo alaabada waxbarashada dheeraadka ah ama lacagta koobiga lagu baxsado.
Yaa la siinayaa?
Ardeeyda ka yar 25 sano jir ee dhigta dugsi guud ama mid farsamo oo aan helin kaalmada waxbarashada ama deeqda „BAföG“ ee ardeeyga.
Meeqo ayaa la siinayaa?

Neu ab 2021:

– € 103 markay tahay 1-da Agoosto (billowga sanad dugsiyeedka),
– € 51,5 markay tahay 1-da Febraayo (billowga qaybta labaadsanad dugsiyeedka).

Waxaa sii dheer, cadadka lacagta wey lordhi doontaa mar labaad dhowrka sano ee soo socda!

Qaabkee ayay u shaqeysaa?

SGB II

Qoysaska ka hela dheefaha Jobcenter waxay helaan lacagta carruurta 1 jir ilaa 9 jir ee iskuulka joogta isla waqtiga dheefaha billaha ah ee Agoosto iyo Febraayo.

Ardeeyda 15 jir iyo wixi ka wayn waa qasab inay diraan shahaadada iskuulka

Qaabkee ayay u shaqeysaa?

Kinderzuschlag | Wohngeld

Qoysaska hela Wohngeld ama Kinderzuschlag waxay ka codsan karaan lacag bixinta sixirka go’an Pro Arbeit.

Midan awgeed, soo qaado foomka SCHULBEDARF (saadka iskuulka). Waalidkaada ha buuxiyaan oo raaci shahaadada iskuulka hadii aad 15 sano jir tahay ama ka weyntahay. Kadib wax walbo waa in loo diraa Pro Arbeit. Waxay eegi doonaan codsiga.Waalidkaaga waxaa loo soo diri doonaa ogeeysiis. Deeqda saadka iskuulka waxaa lagu diri doonaa waalidkaaga.

Ha ilaawin:
– Ogeeysiiska ka socda Wohngeldstelle (xafiiska dheefaha guryaha)
– Ogeeysiiska ka socda Familienkasse (xafiiska dheefaha qoyska) (Kinderzuschlag)
– Shahaadada iskuulka ee kuwa 15 jirka ah ama ka weyn